Wararka Soomaalida ee Dalka Denmark 2025

RH: Sanadkan 2025 waxaa soo baxay arrimo cusub oo la xiriira Soomaalida ku dhaqan Denmark, kuwaas oo saamayn ku yeeshay bulshada iyo xaaladaha guud.

  1. Dil laga naxay oo ka dhacay magaalada Herning Taariikhda 7-da Abriil 2025, waxaa magaalada Herning lagu dilay gabar Soomaaliyeed oo 21 jir ahayd. Booliisku waxay wali wadaan baaritaan xooggan, iyadoo aan wali la qaban cid loo soo xiray falkaasi. Booliiska ayaa bulshada ka codsaday inay soo gudbiyaan wixii xog ah ee ku saabsan dhacdadan.

  2. Kiis dacwo oo ka dhan ah dowladda hoose ee Aarhus Gabadh Soomaaliyeed oo Danish ah oo lagu magacaabo Amal ayaa dacwad ka gudbisay dowladda hoose ee Aarhus iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Denmark. Amal ayaa sheegtay in lagu xadgudbay xuquuqdeeda, ka dib markii waalidkeed si khasab ah ugu celiyeen Soomaaliya iyada oo yar, iyadoo aysan tallaabo qaadin hay'adaha dowladda, inkastoo ay ka digtay xaaladeeda.

  3. Tirada Soomaalida iyo is-dhexgalka bulshada Waxaa sanadkan kordhay tirada guud ee Soomaalida iyo dadka asal ahaan ka soo jeeda wadamada MENAPT oo gaaray 304,363 qof guud ahaan Denmark. Intooda badan waxay ku nool yihiin magaalooyinka waaweyn sida København, Aarhus, iyo Odense.

  4. Xiriirka Soomaaliya iyo Denmark oo xoogaystay Waxaa sanadkan dhacay kulamo muhiim ah oo u dhexeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Denmark, iyadoo laga hadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, xuquuqda aadanaha, iyo arrimaha deegaanka.

  5. Ururada Soomaalida ee gudaha Denmark oo firfircoon Ururada Soomaalida ee gudaha Denmark ayaa sanadkan kordhiyay dadaalladooda ku aaddan ka qeyb qaadashada bulshada, iyadoo la qabtay kulamo badan oo ku saabsan is-dhexgalka bulshada, dhaqanka, iyo kobcinta wacyiga bulshada.

Radio Hormuud wararka soomaalida qurbaha

Category