Nairobi (RH)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saddex sano gudaheed ku baxay 110 safar dibadeed, taasoo u dhiganta in qiyaastii 15 bilood uu ka maqnaa dalka – nus ka mid ah muddadii xilkiisa.
Safarradan oo qaarkood socdeen illaa toddoba cisho, qaar kalena afartan saacadood ama wax ka yar, ayaa haddana haddii la isku celceliyo, safar kasta lagu qiyaaso afar maalmood oo ay ku jiraan maalmaha duulimaadka, waxay dhigan tahay 440 maalmood – taasoo u dhiganta 15 bilood oo nolosha Madaxweynaha ka baxday safarro dibadeed ah.